Barashada harqaanka barashada daawaarka



HORDHACA BUUGGA 1AAD EE QIYAASTA BAACYARAHA

Waxa ey mahad ballaaran usugnaatay allaha iwaafajiyay in aan qoro buug cilmiyeed laga baranaayo cilmiga farsamada harqaanka ama dawaarka 

gaar ahaan cilmiga barashada qiyaasta baacyaraha qeybiisa 1aad insha allah waxa aan alle karajeynayaa in uu buuggaan kayeelo mid waxbadan kabadalla isla markaana sara uqaada aqoonta farsama yaqaannada soomaaliyeed, 

sidookale buugaan waxa aan u sadaqeeyay labadeyda waalid, sidaasi darteed qofkasta waxaa loo ogol yahay in uu siidaabicikaro kasii gacansan karo waxaakaloo laogol yahay inloo isticmaalo xarumaha kale ee waxbarashada, 

sidookale waxaa loo isticmaali karaa baraha bulshada sida inlagusoo daaboco ama lagasoo diyaariyo muuqaal waxaakaloo laogolyahay inlasii horumariyo ama sharaxaad dheeri ah lasaaro 

balse halka shardi ookaliya ee aan la ogoleyn waa in buuggaan magaca laga badalo, 
Sidookale buugaan waxaa qoray aniga oo ah maxamed axmed nuur aniga oo kaashanaaya allah subxaanahuu watacaalaa iyo dhaqaalaha igasoogala qaar kamid ah ardayda ku xiran groupka bulsho qeybtiisa cashirada

ugu dambeyn waxa aan alle weydiisanayaa in uu acmaasheenna ka ilaaliyo istuska iyo tacajubka ama islaweynida, 
sidookale waxa aan alle weydiisaneynaa in uu nagu anfoco nagana aqbalo kana yeelo mid liajlillaahi ah aniga iyo dhamaan inta igala qeybqaadatay aamiin

ugu dambeyn buuggaan waxa uu ka koobnaan doonaa 10 cashir iyo 160 suaalood oo doorasho ah 

si ardayga loola xisaabtamo waana qaabka ugu sahlan uu ardayga waxkufahmi karo 

sidookalane waa qaabka ugu fudud ee lagu kala saari karo ardayga cashirada soo aqriya iyo ardayga buugga meel iska dhiga, 

sidaasi darteed ardaykasta waxaa laga rabaa in uu aqriyo buugga isla markaana uuka sheqeeyo dhamaan suaalaha waad mahadsantihiin balanteenu waa fasalka 3aad iyo buuga qeybtiisa 2aad 
hadafkeenu waa horumarinta bulshada soomaaliyeed