Barashada harqaanka barashada daawaarka






CASHIRKA 4AAD


BARASHADA isticmaalka ballaca iyo dhirirka baac yaraha

Ugu horeyn saako dirac ama sheykasta ee lajaraayo waxaa qasab ah in leysku afar laabo

balse qaabka leesugu afar laabo dharka ayaa kala duwan

tusaale marada inta aan leysku afar laabin kahor waxaa la isticmaalaa afar qaab ookala ah

1,in leysku afar laabo marada balaceeda iyo dhirirkeeda

2,in leysku afar laabo marada ballaceeda

3,in leysku afar laabo marada dhirirkeeda

4,in leysku afar laabo marada dhirirkeeda iyo ballaceeda

Hadaba afarta qaacido ee loo isticmaalo afarlaabka marada midkasta waxaa loo isticmaalaa cabir ugaar ah

sidoo kale waxaa muhiim ah kahor inta aadan baranin naqshadeynta marada in aad sifiican ubarato ballaca iyo dhirirka iyo qaabka leesugu afarlaabo iyo cabirkasta ee laguukeeno qaabka aad isugu afar laabi laheyd

1.ugu horeyn qaacidada afar laabka ballaca iyo dhirirka marka lajaraayo baac yaraha waxaa loo istic maalaa cabirka nuswaarka ookaliya

2.sidoo kale qaacidada afar laabka ballaca waxaa loo isticmaalaa cabirka wixi nuswaar kaween oo halwaarna kayar

3.sidoo kale qaacidada afar laabka dhirirka waxaa loo istic maalaa halwaar illaa iyo labawaar

4.ugu dambeyn qaacidada afar laabka dhirir iyo ballac waxaa loo isticmaalaa labawaar iyo tumin iyo wixi kasii kabadan

hadaba markasta ee aad isku afar laabto marada waxaa loo baahan yahay oo qasab ah qeybta xiran ee marada in aad xagaaga soo marido

sidoo kale marka ey marada isku afar laaban tahay si loo ogaado qaabka ey isugu afar laabantahay ayadoo aan lakala furin waxaa laga fiiriyaa dhinaca xiran ee xagaaga soo xiga iyo dhinaca kaasii jeeda

1.tusaale marka leysku afar laabo marada hadii uu dhinaca kaasii jeeda noqdo afar jaran waxaa isku afar laaban ballaca iyo dhirirka marada

2.sidoo kale marka leysku afar laabo marada hadii uu dhinaca kaasii jeeda noqdo hal xiran iyo laba orjinal ah markaas waxaa isku afar laaban ballaca marada

3.sidoo kale marka leysku afar laabo marada hadii uu dhinaca kaasii jeeda noqdo hal xiran iyo laba jaran markaas waxaa isku afar laaban dhirirka marada

4.ugu dambeyn marka leysku afar laabo marada hadii uu dhinaca kaasii jeeda noqdo afar orjinal ah markaas waxaa isku afar laaban dhirirka iyo ballaca marada

hadaba markasta ee aad u baahan tahay in aad ogaato qaabka ey isugu afar laabantahay marada waxa aad ka eegi doontaa dhinaca kaasii jeeda oo kaliya adigoo dhinaca xiranne xagaaga soo marinaayo



KAJAWAAB SU AALAHA

31.MARKA LAJARAAYO DHARKA WAXAA QASAB AH?

IN LEYSKU LABA LAABO

IN LEYSKU SADAX LAABO

IN LEYSKU AFAR LAABO

32.MARKA LEYSKU AFAR LAABAAYO DHARKA WAXAA LA ISTICMAALAA?

SADAX QAAB

AFAR QAAB

LABA QAAB

SHAN QAAB

33.AFARTA QAACIDO EE LOO ISTICMAALO AFARLABKA DHARKA MID KASTA WAXAA LOO ISTIC MAALAA ?

CABIRKI LOO BAAHDO

CABIR UGAAR AH

34.BARASHADA NAQSHADEYNTA DHARKA IYO BARASHADA BALLACA IYO DHIRIRKA WAXAA HOREEYO?

BARASHADA NAQSHADEYNTA DHARKA

BARASHADA BALLACA IYO DHIRIRKA

35.BARASHADA ISTICMAALKA BALACA IYO DHIRIRKA IYO BARASHADA BALLACA IYO DHIRIRKA WAXAA HOREEYO?

BARASHADA BALACA IYO DHIRIRKA

BARASHADA ISTICMAALKA BALLACA IYO DHIRIRKA


36.MARKA LAJARAAYO NUSWAAR WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

DHIRIR IYO BALLAC

37.MARKA LAJARAAYO NUSWAAR IYO RUBAC WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

DHIRIR IYO BALLAC

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

38.MARKA LAJARAAYO HALWAAR IYO BAR WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

DHIRIR IYO BALLAC

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

39.MARKA LAJARAAYO LABA WAAR OO RUBAC DHIMAN WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

DHIRIR IYO BALLAC

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

40.MARKA LAJARAAYO HALWAAR WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

DHIRIR IYO BALLAC

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

41.MARKA LAJARAAYO LABA WAAR WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

DHIRIR IYO BALLAC

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

42.MARKA LAJARAAYO NUSWAAR IYO TUMIN WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

DHIRIR IYO BALLAC

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

43.MARKA LAJARAAYO SADAX WAAR WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA?

DHIRIR IYO BALLAC

BALLAC

DHIRIR

BALLAC IYO DHIRIR

44.MARKASTA OO LEYSKU AFAR LAABO DHARKA WAXAA DHINACA XIRAN LASOO MARIYAA?

XAGAAGA

DHINACA KAASII JEEDA

DHINACA HOOSE

45.MARKA LARABO IN LA OGAADO MARADA QAABKA EY ISUGU AFAR LAABAN TAHAY AYADOO AAN LAKALA FURIN WAXAA LAGA EEGAA?

DHINACA KORE IYO DHINACA HOOSE

DHINACA XAGAAGA SOO XIGA IYO DHINACA KAASII JEEDA

DHINACA BIDIX IYO DHINACA MIDIG

46.HADII LAGU TUSIYO MARO ISKU AFAR LAABAN OO DHINACA KAASII JEEDA UU NOQDO HAL XIRAN IYO LABA JARAN WAXAA ISKU AFAR LAABAN?

BALLACA IYO DHIRIRKA MARADA

BALLACA MARADA

DHIRIRKA MARADA

DHIRIRKA IYO BALLACA MARADA

47.HADII LAGU TUSIYO MARO ISKU AFAR LAABAN OO DHINACA KAASII JEEDA UU NOQDO HAL XIRAN IYO LABA ORJINAL AH WAXAA ISKU AFAR LAABAN?

BALLACA IYO DHIRIRKA MARADA

BALLACA MARADA

DHIRIRKA MARADA

DHIRIRKA IYO BALLACA MARADA

48.HADII LAGU TUSIYO MARO ISKU AFAR LAABAN OO DHINACA KAASII JEEDA UU NOQDO AFAR JARAN WAXAA ISKU AFAR LAABAN?

BALLACA IYO DHIRIRKA MARADA

BALLACA MARADA

DHIRIRKA MARADA

DHIRIRKA IYO BALLACA MARADA

49.HADII LAGU TUSIYO MARO ISKU AFAR LAABAN OO DHINACA KAASII JEEDA UU NOQDO AFAR ORJINAL AH WAXAA ISKU AFAR LAABAN?

BALLACA IYO DHIRIRKA MARADA

BALLACA MARADA

DHIRIRKA MARADA

DHIRIRKA IYO BALLACA MARADA

50.MARKA LARABO INLA OGAADO QAABKA EY ISUGU AFAR LAABAN TAHAY MARADA WAXAA LAGA FIIRIYAA?

DHINACA MIDIG

DHINACA BIDIX

DHINACA KAASII JEEDA

DHINACA DHEXE