BARASHADA HARQAANKA BARASHADA DAWAARKA



CASHIRKA 2AAD

BARASHADA DURUUCDA CAADIGA AH


Duruucda caadiga ah waxa ey leeyihiin nadaam lagu xaqiijiyo badqabkooda kahor inta aan latolin inkasta uu diraca yahay waxa ugu sahlan ee latolo hadane waxa uu leeyahay qaacidooyin looga badbaadi karo in ey dood kaaga timaado waxaana kamid ah shuruudaha

1,waa in aad marka hore iska xaqiijisaa marada cabirkeeda

2,waa in aad iska fiirisaa labada dhinac ee marada laga jaro in ey leedahay waxa loo yaqaano tuubeyr

3,waa in aad isku laabtaa marada dhirirkeeda si aad u xaqijiso in ey kala dheertahay iyo inkale

Marki lasimaayo kala dheeraanshaha qeybta hoose waxaa laisticmaala qaabka loo yaqaanno isdhaafka si uusan kaaga gaban ama uusan kaaga kala dheeranin diraca

FG hadii marada ey kala dheeraato laba enji iyo wax kayar sideeda waalagu toli karaa balse hadii ey kala dheeraato waxka badan laba enji waxaa qasab ah in lasimo

Sidoo kale diraca caadiga ah marki latolaayo waxaa laga soo bilaawaa dhinaca hoose gaar ahaan marki aad soo xaqiijiso qaacidooyinka

kadib marki aad labada dhinac katoshid oo aad kasoo laabto qeybta hoose waxaad jari doontaa qoorta adigoo isku laabaayo ballaca marada unasoo laabaayo dhinaca bidixda ah ayaad jaritaanka waxa aad ka bilaawi doontaa dhinaca 2x oo xagaaga sooxiga gaar ahaan qeybta xigta dhinaca midigta ah waxa aadna jaritaanka usii wadi doontaa dhinaca 1x ee kubeegan isla dhinacaaga midigta ah ee aad kasoolaabtay diraca

sidookale cabirka qoorta ballac iyo dhirir intaba waxa aad saartaa sadax enji qaab wareeg ahna ujar adigoo ka ilalinaayo afar geeska

sidoo kale laab fiino ah oo quruxbadaane kusoo wareeji qoorta diraca mahadsanid

Ugu dambeyn tuubeyr waxaa ladhahaa ciladda ku timaada marada marka ey bilaawga ama dhamaadka tahay mararka qaarna waxa ey gashaa dhaxda

Sidookale ciladda looyaqaano kala dheeraanshaha waxaa lagu sixikaraa ookaliya maqaska jeexitaan laguma sixikaro sababta oo ah marada ayaa nuucaas u sameysan .qaabka loo saxaayane waa isdhaaf

KAJAWAAB SU AALAHA


11.FADLAN DOORO DHAMAAN QAACIDOOYINKA LAGU XAQIIJIYO BADQABKA DIRACA KAHOR INTA AAN LA TOLIN?

waa in aad isla markiiba toshaa

waa in aad marka hore iska cabirtaa

waa in aad iska fiirisaa in ey leedahay tuu beyr

waa in aad kala jartaa

waa in aad iska fiirisaa kala dheeraan shaha

waa in aad meel ku xafido

12.MARKA LASIMAAYO KALA DHEERAANSHAHA DIRACA WAXAA LA ISTICMAALAA QAABKA LOOYAQAANNO?

kala gadis

iskulaab

kaladheer

isdhaaf

maqas

13.MARADA HADII EY KALA DHEERAATO WAX KAYAR LABA ENJI?

SIDEEDA WAALAGU TOLIKARAA

LAGUMA TOLI KARO

WAXAA QASAB AH IN LASIMO

WAALAGA SAARAA

14.DIRACA CAADIGA AH WAXAA LATOLI KARAA?

KAHOR INTA AAN LA XAQIIJININ

MARKA LAXAQIIJIYO KADIB

15.TOLMADA DIRACA WAXAA LAGASOO BILAAWAA?

DHINACA DHEXE

DHINACA KORE

DHINACA HOOSE

QOORTA

XABADKA

16.TOLMADA DIRACA CAADIGA AH IYO JARITANKA QOORTIISA WAXAA HOREEYO?

JARITAANKA QOORTA

TOLMADA DIRACA

17.MARKA LAJARAAYO QOORTA DIRACA WAXAA LEYSKU LAABAA ?

BALLACA MARADA

DHIRIRKA MARADA

18.MARKA LAJARAAYO QOORTA DIRACA WAXAA LOO LAABAA ?

DHINACA MIDIG

DHINACA BIDIX

19.CABIRKA QOORTA DIRACA WAXAA LAGU JARAA

SADAX ENJI OO AFAR GEES AH

LABA ENJI OO WAREEG AH

SADAX ENJI OO WAREEG AH

LABA ENJI OO AFAR GEES AH

20.CILADA KALA DHEERAAN SHAHA WAXAA LAGU SIXIKARAA?

JEEXITAAN

MAQAS

TOLMO

LAABITAAN

SISAAG