Barashada harqaanka barashada daawaarka





CASHIRKA 3AAD


BARASHADA BALLACA IYO DHIRIRKA DHARKA

Ugu horeyn ballac iyo dhirirk waxaa laga wadaa ballaca waa mowdalka ama naqshadda ey ku timaado marada
sidoo kale dhirirka asagane waa cabirka lagusoo jaro marada

Sidookale ballaca marada waa inta udhaxeysa labada sanaafadood dhirirka marada asagane waa inta u dhaxeysa labada jarmo

Tusaale ballaca marada marna isma badalo balse dhirirka marada marba waxa uu la ekaadaa cabirka lasoo jaro

Hadaba maadaama dhirirka marada uu yahay kan markasta isbadala

waxaa dhici karta mararka qaar in uu ka yaraado balaca marada ama uula ekaado amaba uu ka weynaado

Sidaasi darteed marada baac yaraha ah dhirirkeeda hadii uu noqdo

tumin rubac nuswaar ama yaardi rubac dhiman ama yaardi tumin dhiman

waxaa dheeraanaayo marada ballaceeda

Sidookale marada baac yaraha ah dhirirkeeda hadii uu noqdo halwaar marada waxa ey noqon doontaa mid isla eg

Ugudambeyn marada baac yaraha ah dhirirkeeda hadii uu noqdo halwaar iyo tumin iyo wixi kasii weyn waxaa dheeraan doono dhirirka marada

FG.ugu dambeyn markasta oo ey isla ekaadaan balaca iyo dhirirka

marada waxaa wanaagsan in balaca marada loo istic maalo dhirirka

saakada ama cabaayadda. Ama in leysku afar laabo dhirirka marada

KAJAWAAB SU AALAHA

21.waa maxay ballac ?

ballaca waamowdalka ey ku timaado marada

ballaca waa cabirka lagusoo jaro marada

22.waamaxay dhirir ?

dhirirka waa naqshadda eyku timaado marada

dhirirka waa cabirka lagusoo jaro marada

23.sheeg farqiga udhaxeeya ballaca iyo dhirirka?

DHIRIRKA MARADA WAA UU ISBADALAA BALSE BALACCA MARADA MARNA ISMA BADALO

BALLACA MARADA WAA UU ISBADALAA BALSE DHIRIRKA MARADA MARNA ISMA BADALO

SHIRIRKA MARADA ISMA BADALO BALSE BALLACA MARADA AYAA ISBADALO

24.fadlan dooro dhamaan waxyaabaha lagu kala aqoonsado ballaca iyo dhirirka?

BALLACA WAA INTA UDHAXEYSA LABADA JARMO

DHRIRKA WAA INTA UDHAXEYSA LABADA SANAAFAD

DHIRIRKA WAA INTA UDHAXEYSA LABADA JARMO

BALLACA WAA INTA UDHAXEYSA LABADA SANAAFAD

25.sheeg dhirirka marada iyo ballaceeda midka isbadala markasta?

BALLACA MARADA AYAA AH KAN MARKASTA ISBADALA

DHIRIRKA MARADA AYAA AH KAN MAR KASTA IS BADALA

26.sheeg ballaca iyo dhirirka baac yaraha goormaa ayuu noqdaa mid isla eg ?

WAXA UU ISLA EKAADAA MARKA UU HALWAAR KAWEYNAADO

WAXA UU ISLA EKAADAA MARKA UU HALWAAR KAYARAADO

WAXA UU ISLA EKAADAA MARKA UU HALWAAR NOQDO

27.SHEEG BALLACA BAAC YARAHA WAA IMISA WAAR?

WAA LABA WAAR

WAA HAL WAAR

WAA NUS WAAR

28.SHEEG BALLACA BAAC YARAHA WAA IMISA ENJI

WAA 28 ENJI

WAA 31.5 ENJI

WAA 36 ENJI

WAA 18 ENJI

29.fadlan dooro dhamaan mowdallada inta badan la isticmaalo?

ULDHEERE

BAAC WEYNE

BAAC DHEXE

BAAC YARE

30.SHEEG BAAC YARAHA MARKA UU ISLA EKAADO QAABKA LEESUGU AFAR LAABO

WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA BALLACA

WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA DHIRIRKA

WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA BALLACA IYO DHIRIRKA

WAXAA LEYSKU AFAR LAABAA DHIRIRKA IYO BALLACA